Salalalaa calayka Suubanoow nabiyoow CSW Salalaa calayka suubanoow
Nabiyoow CSW
Salalaa calayka suubanoow Nabiyoow CSW
Sayidii naga yeel safka adiga kuu xiga hee.
Aduunyadii dartii kii loo Aheynsiiyoow.
Anbiyada dhamaan Ubaxooda baad tahayow
Asalbaa tahoo inta kalena Waa faracee .
Axmed nuurow na Ajiib Ergaa nahayee.
Baabiibkii Aloow bidhaan Quruxsan Nabiyoow Boholyoowga aan qabo xaalka iga bi,iyow
Bashiiroow qalbiga aawgaa i Boogoowyoo.
I bogsii Xabiibi bilaa shuruud la iyee .
Tubta nagu ridoow taageero Noo fidiyoow
Na tacliimiyow Nabiyow na
Taakuliyoow .
Toos noola hadal tam iyo Qiyaamahoo .
Taajkaada noo gali taajir Baad tahayee .
Samihiisa nabigaan ninna Sifeen karimoow .
Sirta eebaheeyow suuro Aadmi lahoow .
Sayidkii makhluuqoow lala Sinaankarinoow .
Sayidoow adigaan ku salaameynaayee .
Jacelkaada aawgiis jiifka Yaa u nacaoow .
Jaahaaga sharafta leh yaa
Horjoogsado oo kula joogo o
Marna kaaba Jeedsaninee .
Joowhartaada deetana yaa ka jeelbaxee .
Xaqa kii cadeeyoow xumaha reebaayow
Xabiibkii Allee xadradii Illaah Tagayoow .
Xubigiisa Nabigee lagu Xuroo waayoow
Xuseen iyo Xasan Xurmadoodi baad tahayee .
Khalqiga dhamaan adiga u Kheyr badanoow .
Khatim baad u tahay Ambiyada khawaasta lahoo.
Khaaliqoow ilaah baa kula Khidaab tamayee .
Khasnadii Aloow nuur Khaalis baa tahayee .
Deeyran ahoow u maleen Daruuftayda .
Danbigaa galay iyo Dulmigayga weeyaanoow
Laakiin dacwo ahay doonay Aragiina .
I daryeel midkii kuu Dansheegtay baan ahayee.
Dagmadii baan doonayaa Inan tagow
Mana haysto Diinaar Doolar Iyo Lacagee .
Nonka aasa doontaan waad Daneysaan .
Kolaa duulisan Daarihiina Wuu tagiyee.
Daa'imoow Ilaahoow daajka Naga qaadow .
Dabeeylaha na saar durba Tagayo meel dheer.
Sida danbka noo luli ama Gantaal duuloow.
Deg deg noogu geey Nabigaada deeqda lahee.
Rasuuloow nin aan ku arkeen ma raaxaystoo
Anigana ruyo iyo soojeed ku Raadiyoow
Mana helin runtii ruuxdaada Nuurka lahee.
Riyadaada noo sahal raali Baa noqonee
Zahra aabaheed saynab kii Dhalayoow.
Sasam iyo safiyo arwo Siinadoodiyoow.
Saahidiinta kii xubigiisa Seeteeynoow
Nuur siyaado ahaa sakiyoow Dalbeenahee.
Soo jeedka iyo sama laylka Weheshadiyoow
Sali iyo amdadana ku
Sowdiyiyoow.
Suubanaha indhahaygaba qaban waayeenoow
Sayidoo Aloow ii sahal Inaan Helo ee sheekadaada Nabaiyoow waa shifo iyo Nuuroow.
Shagi malahan qalbiga
Sharax inay galinoow
Sharaf iyo nasii Shahaadooyin qaali ahee.
Sheylilaah Nabii noo
shafeec qiyaamaha ee .
Sowdkeeyga maqal iyo Salaanta aan dirayoow
Sida biriq u soo duul ama
Kasoo badiyoow Sadrigayga Gali Subanoow sirtaada.
Noo saxiix waxaan ku Su'aalano idilee.
Salaanteeyda qaad adigaa Sabooy tagiyee.
Suubanaha u geey iyo Labadiisa Saaxiiboow
Saakinul Baqiic iyo mari Saxaabidiyoow
Usifee xaalkeena siduu Yahayee.
Dhaahaa labada dhaban Keey shubnaayeen
Dhererkiisa uu yahya Dhexdhexaad simanoow
Dhawaqaada nabiyoow dhafi kari maayo.
Ii soo dhawoow aan indhaha Qaboowsadee.
Cindalaahi kii codsi looga Soo dirayoow.
Caweys dhexe jibriil cirka Usii dhaafyoow.
Cassiisoow ilaahoow Cadaan usoo arkayoow.
Nabigii cuslaayoow maanta Noo imaaw hee .
Goobtaan istaagaba kaan u boohaayee.
Ma gam'o adigoo qalbigaysa Soo galayee.
Guuxa iyo laabtaba waan Gariiraayee .
Geestaan dhugtaba Adigunbaan ku goobaayee.
Filimaayo Nabiyoow inaad i Fogeeyneyso
Nin faqiir ahoow madxigaa
Fafinayoow.
Fadligaaga dooni inuu ku faa'iido
Farajkaaga sugi fidunyaa wal Aakhiriyee.
Ladanaa ninkii madxigaag Laasimoo.
Ladi waayo oo laylkii ku Luuqeeyo loo furo macaanka aadiga Leedahayee.
Lama helo walee ruux kaas la looma hee.
Mustafoow Mukhtaaroow Muxamed-nuurow Badanoow.
Marxabaan ku leeyahay
Mood Xabiibkaygiyoow.
Muraadkeeyga weyen waa Midigta noo Fidiyoow.
Macanaga ahoow meesha
Aanu joognaba hee .
Wajigaaga nuur badanaa wanaag badanoow.
Fadligaa waafisanaa wakiilka Aloow.
Weeynaa waxuu qalbigaaga weeleeyo.
Wacanaa waxay saxabadu Wariyeen yaa kaa wanaag Badan dhaaha yaasiinoow.
Yaa kuu ekaan kara yaasa Kula Simanoow.
Yaabka yimaadadba kaan u yeereynoow
Naga yeel macaaga yaqiin Na gaarsiiyee
Allaa Nabiyoow dad buu Cishqigiinu dhaawacayee
Saqda dhexe markeey
Nagu soo dhawaaqanoow
Maxabadada dhabta dhahoo Yiraah daanoow.
Dhiigu igu kacaa dhulka ila
Wareegaayee.
Magacaan qassidadu waa Qabuul weynoow
Mustafaheey quseysaa Nabiga quruxda lahee.
Nin Akhriyay walee Qasadkiisa wuu helayee Waquyee Maxamed jiilaani Ninkii tirayay.